WARARKII UGU DAMBEEYAY EE XAALADA CAKIRAN EE MAGAALADA MUQDISHO

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaqo joojin ku sameeyey Ra'isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waraqad xalay ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu Ra'isal wasaaraha uu soo galay tuhun musuqmaasuq iyo ku takrifal dhul dan guud ah.

Madaxweynaha oo shaqo joojinta Ra'isal Wasaaraha u cuskaday Qodobka 87-aad ee dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya iyo wareegto 18-kii Jannaayo soo baxday oo la xiriirtay ilaalinta dhulalka danta guud ee xilliyada doorashada oo soo baxay 27-kii Oktober 2021-ka.

Waxaa kale oo lagu sheegay amarka shaqa joojinta madaxweynaha uu shaqada uga joojiyey Ra'isal wasaare Rooble inuu wasiirka gaashaan dhigga cadaadis uu saaray si loo leexiyo baarista looga gun gaarayo tuhunka la xiriira kutagri-falka dhul dan guud oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Awoodaha xilliga kala guurka

Xafiiska Madaxweynaha wuxuu ku dhisan yahay heshiiski 17-kii September uu baarlamaanka meel mariyey qodobkiisa seddexaad farqadiisa labaad lagu sheegay inuu xilka sii haynayo. Waxaana farqadda labaad ee heshiiskaasi lagu sheegay hay'adaha kale ee dowladda ay xilkooda sii haynayaan Ilaa laga dhisayo hay'addi baddali lahayd.

Xafiiska Ra'isal wasaarahana wuxuu ku dhisan yahay qodobka 103-aad ee isna ka dhigaya xukumad xil gaarsiin ah inta u dhaxeysa doorasha guud iyo inta ay ka soo gaba gaboobeyso ra'isal wasaaraha uu yahay xukumad xil gaarsiin.

Haddaba Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaruhuba haddii ay yihiin xilhaye iyo xil gaarsiin, madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo awood ma u leeyahay inuu shaqa joojin uu ku sameeyo Ra'isal wasaaraha xil gaarsiinta ah. Sharci yaanaan Ibraahim Iidile oo BBC u warramay ayaa ka jawaabaya.

"Sii haye malaha awood xil ka qaadiseed malaha haba yaraatee. La xisabtanka iyo shaqa joojinta Ra'isal wasaaraha waxaa marweliba leh baarlamaanka sida ku xusan qodobka 69 haddey noqoto la xisaabtankiisa, ansixintiisa iyo kalsooni siintiisa ama kalsooni kala noqoshada intaba waxaa leh Golaha Shacabka. laakiin xafiiska madaxweynaha ma ahan," ayuu yiri Ibrahim Iidle guddoomiyihi hore ee maxkamadda sare ee Soomaaliya.

"Madaxweynuhu haddii mar uu yahay sii hayaha xilka uu isticmaali karin awoodaha ku xusan qodobka 90-aad mar hadduunan awooddi laheenna waa awood uusan lahayn oo uu isticmaalay ra'isal wasaarahana shaqooyinkiisa sidiisa ayuu u wadanayaa", ayuu yiri.

Ra'iisal wasaraha wuu sii wadan shaqadiisa

Warqad ka soo baxday xafiiska Ra'isal wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxaa lagu sheegay iskudayga madaxweynaha iney tahay mid baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas'uuliyadda wixi ka dhashana uu qaadayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaana warqadda lagu sheegay inuu Ra'isal wasaaraha sidii caadiga ahayd u wato shaqo maalmeedkiisii, ayna ka go'an tahay inuusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.

"Madaxweynuhu wuxuu Ra'isal wasaaraha ku eedeynayaa musuqmaasuq iyo howlo ceynkaas ah marka waxyaabaha ra'isal wasaaraha lagu eedeynaya waxay ahayd iney ka timaaddo hay'adaha dowladda ee u qaabilsan ilaalinta hantida, waayo waxaa jira hay'ado looga talagalay iney dalka nidaamkiisa ilaaliyaan ma ahayn iney xagga madaxweynaha ka timaado." ayuu yiri Ibrahim Iidle.

Waxaa sidoo kale aan jirin maxkamadda dastuuriga oo gacan ka geysan lahayd xallinta khilaafaadka noocan oo kale ah.

Khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ugu sarreysa waxa ay isku hayaan ayaa la sheegaa iney xuddun u tahay doorashada, doorashadana wax walba lagaga bixi karo sida uu sheegay shaqrciyaqaanka BBC u warramay.

"Waxay iila muuqataa doorasho ayaa lagaga bixi karaa maadaamaa aynan jirin doorasho lagu hagayo oo waxa lagu hagaya ay yihiin heshiisyo siyaasadeed oo horay looga heshiiyey la dhaqan geliyo wixii caqabada ee ka soo baxana la saxo dariiqaas ayaa ah kan kaliga ah ee furan."

"Sharci ahaan waxaa qumman iney labada mas'uulba iney sharciga ku dhaqman ba wanaagsan xaqiiqada sida ay tahayna ay ogaadaan, haddiise sharciga la tallaabo waxa xiga sharci darro, tallabba kasta oo sharciga ka baxsan oo la qaadana waa sharci darro" ayuu yiri Ibrahim Iidle guddoomiyihi hore ee maxkamadda sare ee Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar wuxuu bartiisa Facebook uu soo dhigay in ciidan sharci darro la geeyey xafiiska Ra'iisal wasaaraha si loo hor istaago shaqaada Wasiirka Koobaad balse afgambigi la damcay uu fashilmay. Ra'iisal wasaaraha ayaa la arkayay isagoo markii dambe galaya xafiiska.

 

isha xogta warka. BBC

 

 

Category