Wararkii ugu dambeeyay doorashada golaha shacabka ee ka socota Boosaaso

Boosaaso (RH)-Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxaa maanta ka socota doorashada xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo doorashadooda halkaas ay ka dhaceyso.

Guddiga doorashada ayaa mar sii horreysay saxaafada u sheegay in la qaban doonoa doorashada 16 kursi oo ka mid noqonaya baafrlamaanka cusub ee 11-aad.

Xildhibannada illaa hadda la doortay oo gaaraya 15 ayaa waxaa ka mid ah Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (Qambi), taliyihii hore ee booliiska Soomaaliya Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko

Sidoo kale, musharixiinta maanta soo baxay waxaa ka mid ah Muuse Axmed Ismaciil oo helay dhamaan 101 Codadka Ergada ka dib markii ay u tanaasushay Faaduma Ibraahim Ismaaciil.

Kursiga Hop#169 waxa ku tartamay Cali Mahdi Maxamed Qalato iyo Xafso Cali Axmed waxaana 97 cod ku guulaystay Cali Mahdi Maxamed Qalato.

Kursiga Hop#083 axaa ku tartamay Maxamed Bashiir Cali iyo Aamino Maxamed Ciise waxaana ku guulaystay Maxamed Bashiir Cali ka dib markii Tartanka ay isaga hartay Aamino Maxamed Ciise.

Kursiga Hop#220 waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Cali Xaaji daahir Saleebaan iyo Axmed Burhaan Cumar. 101 Ergo ayaa dhamaan codka siiyay Cali Xaaji daahir ka dib markii uu ka haray Tartanka murrashax Axmed Burhaan.

Caynaanshe Yusuf Xuseen ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-222 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Maxamed Aadan diini ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-036oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Siciid Cali Muuse ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-027 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Sadaam Maxamuud Cabdi ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-158 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Faysal Axmed Maxamuud ayaa ku guulaystay Kursiga tirsigiisu Yahay Hop-149 oo ka mida 16 kursi ee lagu dooranaayo Magaalada Bosaaso.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category