Waa imisa weriyayaasha dhimatay ama la xiray sannadkan sii dhammaanaya?

Nairobi (RH)-Ururka suxufiyiinta aan xuduudda lahayn ee RSF, ayaa sheegay in tirada saxafiyiinta ku xiran caalamka ay gaareen heerkii ugu sarreeyay sanadkan sii dhammaanaya ee 2022-ka, kaddib markii la ogaaday in la xiray 533, halka 57-suxufi la dilay 12-kii bilood ee lasoo dhaafay.

Warbixinta sannadlaha ee ururku soo saaray ayaa lagu xaqiijiyay in tirada saxafiyiinta la dilay ay gaartay 57, kuwaasoo badi ku dhintey dagaalka ka socda dalka Ukraine, maadama sannadkii horre ay hooseesay tirade, tusaalle

Sannadkii 2021-kii waxaa la dilay 48 saxafi, halka sannadkii 2020-kii la dilay 50 suxufi.

Tirada suxufiyiinta la xiray sanadkan ayaa 40 ka badan sanadkii hore, kuwaasoo markii hore diiwaan geliyay tiro gaareysa 488 wariye ah, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka.

In ka badan kala bar saxafiyiinta ku xiran caalamka ayaa lagu hayaa shan wadan oo kala ah Shiinaha oo ay ku xiran yihiin 110 saxafi iyo Buurma oo ay ku xiran yihiin 62 wariye, halka Iran ay sare u kacday tirade saxafiyiinta ku xiran kadib markii ay mudaharaadyo ka dhaceyn awgeed waxaana dowladda ay xirtay 47 saxafi, halka Vietnam ay gacanta ku hayso 39 saxafi, iyo Belarus oo ay ku xiran yihiin 31 kale.

Iran waa dalka kaliya ee sanadkan ku biiray liiska madow, sida ay sheegtay hay’adda soo saartay tirakoobkan sanadlaha ah tan iyo 1995-kii.

Tirakoobkan sanadlaha ah ee caalamiga ah, ayaa ururku waxa ku soo bandhigay tiro aan hore loo arag oo ah dumar suxufiyiin ah oo la xiray, kuwaas oo tiradoodu ah 78 haween ah, halka sannadkii hore ay ahayd 60 haween ah.

Ururka ayaa tiradan ku sharxay in ay la macno tahay in dumarka sannadkan la xiray ay gaarayaan illaa 15% waana tiro aad u badan, marka la barbardhigo in ka yar 7% shan sano ka hor.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category