UK oo bedeshay safiirkii u fadhiyey Soomaaliya

Dowladda UK ayaa maanta ku dhawaaqday inay Soomaaliya usoo magacowday Safiir cusub, kaasi oo bedeli doona Safiirkeedii hore ee dalka, Amb. Ben Fender.

UK ayaa waxay dalka Soomaaliya usoo magacowday haweenay lagu magacaabo Kate Foster, taasi oo si rasmi uga howl-geli doonta Soomaaliya.

War kasoo baxay dowladda UK ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in horaanta bisha labaad ee sanadkan cusub Ambassador Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo muhiim ah.

Ambassador Ben Fender ayaa muddo ku dhow labo sanno ku magacownaa safiirka UK ee Soomaaliya, isaga oo dhaq-dhaqaaqyo badan ka fuliyay tan iyo markii xilkaas loo magacaabay 30-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2019-ka.

Category