Tirada Kiisas Cusub  Iyo Dhimashada Cudurka Covid-19 Ee Somaliland Oo Sii Kordhaysa

Hargeysa(RH)Allah Ha U Naxariistee Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagu Aasey Qofkii labaad ee Gudaha Somaliland u Geeriyooda Xanuunka Covid-19

 Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo si maalinle ah ula hadla warbaahinta ayaa xaqiijiyey xaalada labaad ee dhimasho.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Waxa uu sheegay in qofkii labaad uu gudaha Somaliland ugu geeriyooday caabuqa Covid19 .

“Waxan shaacinaya in tiradii hore ay kusoo korodhay saddex kiis oo kale iyada oo tirada guud ee qaranka Somaliland laga helay covid19 ay noqonayso laba iyo toban qof , waxa ka bogsaday saddex qof , dhimashadana waxa ku biiray hal qof oo wadarta ka dhigaysa laba qof” ayuu yidhi

Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay inay korodha tirada dadka la karintiimay oo ay noqotay lix toban qof .

Agaasimuhu waxa uu sheegay in Saddexda qof ee kusoo kordhay kiisaska laga helay fayraska Covid19 lagu baadhay mashiinkii ay dhawaan ha’yadda caafimaadka aduunka ee WHO keentay dalka kaasi oo shaqadiisa si toos u bilaabmay .

“Waxan cadaynayaa in uu dhammaaday shaybaadhkii aynu debadda u diran jirnay oo uu saddexdii maalimood ee u danbeyey shaqaynaayey mashiinkeeni ay debadda ka keensanay kaasi oo kiisaska u danbeyey soo saaray ” ayuu yidhi

 

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye waxa uu sheegay in cudurku laga helay dad aan debadda ka imaan islamarkaana wax xidhiidha la samayn bukaan cudurka qaba taasi oo  muujinaysa in bulshada uu ku dhexjira islamarkaana uu kusii fidaayo .

 

Category