Takhtar caan ah oo lagu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (RH)-Koox hubeysan ayaa magaalada Muqdisho waxa ay maanta barqadii ku dileen takhtar Dr Xasan Cusmaan Ciise oo caan ku ahaa magaca Dr Buurane kuna taqasusay cudurada maqaarka.

Goobjooge ayaa sheegay dhakhtar xilliga la dilayay inuu ag fadhiyay gurigiisa oo ku yaalla xaafada Al-Barako ee degmada Hodan.

Dhaqtarkan oo sidoo ka howlgali jiray rungta caafimaadka ee Buurane ee uu aas-aasay ayaa lagu sheegay inuu ahaa dhaqtar si bilaash ah ku daaweyn jiray dadka danyarta ah ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ka mid ahaa dhaqaatiirtii aan dalka ka bixin intiii ay socdeen dagaallada sokeeye.

Dr. Buurane wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka kahor intii aanu baran cilmiga caafimaadka billowgii sideetameeyadii.

Dilka kaddib, kooxdii falka geesatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana isla durbadiiba tegay ciidamada amaanka.

Illaa hadda ma jirto koox sheegatay mana cadda sababta loo dilay dhakhtarkan oo ka mid ahaa dhakhaatiirta caanka ee magaalada Muqdisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category