Soomaaliya oo dooneysa in meesha laga saaro guddi dhaqaale badan lagu bixin jiray

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wixii hadda ka dambeeya ay doonayso in meesha laga saaro guddiga xiriirka ka hortagga burcad badeedda xeebaha Soomaaliya.

Guddigan oo la asaasay in kabadan toban sano kahor, ujeedkiisuna uu ahaa guddi wargelin iyo xiriirnta hawlaha la xiriira ee xeebaha Soomaaliya, waxaana sanadkii 2008 qaraar ay soo saareen Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay lagu hirgeliyay guddigan, maadaamaa xilligaas ay xeebaha Soomaaliya aad ugu badnaayen falalka burcad badeednimada.

Maxay dowladda u dooneysaa in meesha laga saaro guddigan?

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa dalbatay in meesha laga saaro guddigan, waxayna sheegeen in sababta aanan loogu baahneyn ay tahay maadaama Soomaaliya aanay saddexdi sano ee lasoo dhaafay xeebaha lagu arkin falal burcad badeednimo.

Guddigan ayaa heli jiray dhaqaale badan oo loo adeegsan jiray kahortagga iyo yareynta falalka burcadbadeednimada, haseyeeshee dowladda ayaa ku adkeysaneysa in xilligan aanan loo bahneyn.

"Dhaqaalaha guddigaas waxaa loo adeegsan jiray xabsiyo iyo maxkamado, dadka burcad badeedka lagu soo qabtay sida la sheegayo lagu saaro balse nasiib darro xabsiyadaas waxaa laga dhisay dalalka Tanzania, Kenya iyo Seychelles, marka waxaan leenahay baahida arrintaas ma jirto oo dowladda Soomaaliyeed waxay leedahay awood ay ku maxkamadeyso dadka dembiyada ka gala oo maxkamad lasoo saaro", ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle oo ah danjiraha Soomaaliya ee Qaramada midoobay.

Inkastoo guddigaas la siiyay muddo sanad ah ayaa haddana dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay hor istaagtay lacagahihii la siin jiray guddigaas, waxaana Abuukar Baale uu sheegay in haatan ay adkaan doonta in guddigaas ay shaqeeyaan dhaqaale la'an

Gollaha Ammaankan ee Qaramada Midoobay ayuu sheegay in uu aqbalay in dib uu eegis ku sameeyo hawlaha ay qabtaan guddigaas, sanad kadibna la isla eegi doona, haseyeeshee guddiga xiriirka ka hortagga burcad badeedda xeebaha Soomaaliya ayuu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo sii wadi lahaa hawshaas.

Danjire Abuukar Baale ayaa sidookale sheegay in dhaqaalahaas ay tahay in lagu dhiso ciidanka badda Soomaaliyeed, kuwaas oo xeebaha dalka ka ilaaliya burcad badeeda, maraakiibta qashinka ku shubo iyo kuwa sida sharci darrida uga kaluumeysta.

xigasho BBC

Category