Soomaali dad ku dilay Jarmalka oo la qabtey

Nin Soomaali ah ayaa saddex qof ku dilay isla markaana shan kale si xun ugu dhaawacay magaalada koofurta Jarmalka ku taalla ee Wuerzburg.

"Ninka weerarka geystay iska cabbin ayuu sameeyay kaddib markii ay booliisku rasaas rideen," ayuu mamaulka magaalada ku soo qoray barta Twitter-ka, iyaga oo aan faahfaahin ka bixin ujeeddada uu ninkaasi u geystay falkan.

Ninkan oo 24 jir ahaa ayaa wuxuu ku noolaa magaalada Wuerzburg tan iyo sanadkii 2015.

Baarayaasha ayaa ogaaday in ninkan oo aan magaciisa la shaacin lagu daweyn jiray isbitaalka dadka xanuunnada nafsiga ah qaba.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa haatan ku sugan booliiska.

 

xigasho BBC

Category