Somaliland : Shan Degmo Oo Ku Biiraya Mashruuca JPLG-ga 2023 Iyo Qorshaha 2027 Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Hargeysa(RH):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland  Maxamed Kaahin Axmed, ayaa furay shir lagu samaynayo Qorshaha Horuumarinta Shanta Sano ee Degmooyinka Dalka 2023-2027,kaasoo sidoo kale lagu shaaciyey shan degmo oo sannadkan ku biiraya mashruuca JPLG-ga.

 

Kulanka Waxaa ka soo qayb galay Maayarrada Magaalooyinka Hargeysa, Burco, Berbera, Ceerigaabo,Laascaanood,Sheekh, Boorama, Gebilay, Baligubadle, Baki, Lughaya, Saylac, Oodweyne iyo Salaxley.

Shirkaas ayaa ujeedadiisu ahayd falanqeynta iyo Qorshaha Horumarinta Shanta Sano ee Degmooyinka Dalka 2023-2027, waxaana intii uu socday si wayn looggaga dooday Siyaasadda iyo Samaynta Qorshaha Horuumarinta ee 2023-2027.

Waxaa madashan ka hadlay Agaasimaha Waaxda Maamulka Gobollada iyo Dawladaha Hoose Maxamed Cali Maxamed, oo ka waramay muhiimada kulankan iyo ujeedada laga leeyahay mustaqbalka,isaga oo si qoto dheer uga waramay sida looga faa’iidaystay mashruuca JPLG,kaasoo  shaqeeya Degmooyinka Dalka.

Sidoo kale waxaa iyana goobta ha hadlay Maayerka Caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ku hadlayey afka Maayareda Dalka,sidoo kale waxaa isna goobta ka hadlay Maayerka Magaalada laascaanood oo lagu ammaanay dedaal iyo horuumar uu sameeyey muddadii uu xilka hayey.

 

Waxa kale  kulanka ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Sool Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye, madax ka socotey Hay’adda UNDP iyo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka, Degaanka iyo Isbedelka Cimilada, kuwaasoo sharaxaad ka bixiyey ahmiyadda uu leeyahay qorshuhu iyo faa’idada uu qaranka u leeyahay.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo shirkaasi furay ayaa ka waramay horuumarka uu leeyahay Mashruuca JPLG iyo sida looga faa’iidaystay meelihii laga hirgeliyey iyo Degmooyinka laga hirgelinayo Mashruuca JPLG sanadkan soo socda oo ay ka mid yihiin Degmooyinka Ceelafwayn, Gar-adag, Taleex, Xudun, Dhahar iyo Badhan.

Wasiir Kaahin ayaa sharraxay doorka ay dawladdaha hoose ku leeyihiin arrimaha maamulka dawliga ah “Dawladaha hoose waa meesha laga Maamulo Shacabka sidaa daraadeed waa in ay Shacabka barraan Dawladnimada”ayuu yidhi

Waxaanu isagoo hadalka sii  wada shaaciyey degmooyinka sanadka gelaya mashruuca JPLG-ga “Degmooyinka ku soo biiraya Mashruuca JPLG, sanadkan soo socda waxaa ka mid ah Ceelafwayn, Taleex, Badhan, Gar-adag iyo Dhahar” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed.

 

 

Category