Somaliland Oo  Shaacisay Tirada Dad Cusub Oo U Dhintey Xanuunka Covid-19 iyo Kuwo  Oo Uu Soo Ritey

Hargeysa(RH)Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa Maanta hada Xaqiijisay in Qofkii 8aad U Geeriyooday Xanuunka CoronaVirus Gudaha Somaliland.

Sidoo kale Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland ku Waxay Shaacisay in 48 saacadood ee u Danbeeyay Baadhitaano la sameeyey laga Helay 19 Qof oo Cusub Xanuunka Covid-19.

Bukaanada ayaa la sheegay inay kala yihiin 11 Nin 8 Dumar Ah isla markaasina ka soo kala Jeeda Deegaanada 13 qof Oo Hargaysa Ah iyo 6 Qof Oo Borama Ah.

Da’da Bukaanadan Cusub ayaa u Dhaxaysa 10 sano ilaa 70 jir

Tirada Guud Ee Somaliland laga Helay Xanuunka Covid-19 ayaa dhan 87

 

Category