Somaliland Oo Gubtey Jaad lagu soo Qabtey Deegaano kala Duwan

Hargeysa(RH)Hawlgalo ay si wada jira Uga fuliyeen Cidamada Booliska iyo kuwa Qaranka oo ay ka sameeyeen xuduuda Somaliland iyo Itoobiya ayaa lagu soo qabtay Gaadiid kala duwan oo sida qaad iyo  eedaysanayaashii watey kuwaasi oo maalmaha soo socda la sheegay in sharcigana la horgayn doono iyada oo la fulinaayo awaamiirta gudida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Coved-19.

Masuuliyiinta Deegaanada kala duwan ee Qaadadkaasi laga soo qabtey ayaa bulshada  ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ka hortagga Coronavirus, go’aanka qaadka lagu joojiyayna uu yahay mid heer qaran ah loona baahanyahay in laga nasto bisha rabadaan.

Masuuliyiinta Gobolada Somaliland Gaar ahaana kuwa Xuduudaha ku yaala, ayaa sheegay in meel kasta oo la isaga gudbayo xadka Ciidamo la geeyay talaabo adagna laga qaadayo cid kasta oo falkaasi ku kacda, waxayna u mahadnaqeen ciidamada kala duwan ee ka hawlgalay .

Qaadadkaasi lagu  soo qabtey Deegaanada kala duwan ee Somaliland ayaa guud ahaan la Gubey

 

Category