Somaliland oo faahfaahin ka bixisay sababta ay dadka reer Koonfurta uga saarayso Sanaag

Xukuumadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnnaanida Soomaaliland ayaa muddo 14 cisho ah u qabtay in ay uga baxaan degmada Ceergaabo ee gobalka Sanaag dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Mudadaasi 14 maalmood ah ayaa loogu talagalay in ay magaalada waxyaabaha muhiimka ah ee ka yaalla iyo howlahooda dhameystaan.

Soomaliland ayaa arrintaan u cusktay falal amni daro oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobalka Sool halkaa oo dhawaan iyana laga musaafuriyay boqolaal qof oo kale.

Mauuliyiinta ayaa farta ku fiiqay in si wax looga qabto amniga loo baahan yahay in dadka la kala saaro.

Maxamed Khaliif Nuur waa guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sanaag ahna sii hayaha Gudoomiyaha gobolka oo BBC la hadlay ayaa sheegay in ay ka maamul ahaan aaminsan yihiin in 14 cesho ay dadkaasi gobolka kaga bixi karaan.

"Waxa weeye in 14 cesho ay ku uruursadaan deyntooda, in ay ku diyaar garoobaan,in wixii ka daadsan ay uruursadaan mudadaasi 14 cisho ah ka dib-na ay si nabadgalyo ah u baxaan," ayuu yiri Mr Nuur.

Somaliland oo faahfaahin ka bixisay sababta ay dadka reer Koonfurta uga saarayso Sanaag

Maxamed Khaliif Nuur ayaa sheegay in sidoo kale dadka Itoobiyaan ku sugan deegaanadaasi ay ku jiraan dadka halkaasi laga saarayo.

Amarka ah ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Laascaanood laga saaray dad la sheegay in ay ka soo jeedaan Koonfurt Soomaaliya.

Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbnnaanida Soomaaliland ayaa sababo amni u cuskatay musaafurinta dadka rayidka ah.

 

Xigasho BBC

Category