Somaliland oo dacwad kusoo oogtay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaq Khaliif

RH: Somaliland ayaa dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed u gudbisay Maxkamada Sare, Maxkamada ayaa Khaliif u qabatay in uu dacwada kaga soo jawaabo muddo 7 cisho ah.
 

Dacwadan oo uu Maxkamada Sare ee Somaliland u gudbiyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan, ayaa lagu sheegay in ay farayso in la laalo xubinimada Khaliif ee golaha, iyada oo lagu eedeeyay in uu ka hor yimid jiritaanka Somaliland iyo in aanu soo xaadirin 20 fadhi oo goluhu yeeshay.

Hadaba, Maxkamada Sare ayaa Khaliif u qabatay in uu muddo 7 cisho ah kaga soo jawaabo dacwada " Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa u dirtay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada nuqul kamid ah Dacwadda Dastuuriga ah ee uu ka soo gudbiyay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku, kaasi oo ay kaga dalbanayso  in uu kaga soo jawaabo 7 cisho gudahood" ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay maxkamada.

Guddoomiye Khaliif ayaan golaha kaso xaadirin muddo billo ah kadib markii uu madaxweyne Biixi u diray Laascaanood si uu qayb uga noqdo daganaansho kusoo celinta magaalada, lakiin waxa uu taageeray go'aankii garaadada  iyo waliba in ay Sool ka go'day somaliland.

Waxa kale, oo uu ciidamada Somaliland ku eedeeyay in ay duqayn iyo burbur u gaysteen magaalada Laascaanood, isaga oo sheegay in uu madaxweyne Biixi dhagaysan waayay talo soo jeedin uu uga sameeyay joojinta colaada.

Hadaba, Khaliif iskama casilin xubinimada iyo guddoomiyenimada Golaha Wakiilada Somaliland, isagoo bilihii u danbeeyay inta badan ku sugnaa Laascaanood.

Category