Shirweyne Loo Qabanayo Hay’adaha ka Shaqeeya Maaliyadda

Hargeysa(RH)Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa maanta si wadajir ah u shaaciyey Shirweyne loo Qaban doono Hay’adaha Maaliyadda ka Shaqeeya ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire Iyo Guddoomiyaha Baanka Dhexe Md. Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa si wada jir ah u shaaciyey Shirwayne loo qaban-doono hay’adaha maaliyadda ka shaqeeya ee Somaliland, kaas oo ka 
furmi doono magaaladda Hargeisa ee caasimadda Somaliland 22-ka ilaa 23-ka bisha June.

Waxana qabsoomida shirka iska kaashanaya Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo Baanka dhexe, iyadoo lagu lafo-guri doono sidii xal loogu heli lahaa caqabadaha hor taagan taaba-galka adeegyadda hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, iyadoo sidoo kalena lagu gorfayn doono xal u helida caqabadaha hortaagan in muwaadiniinta dalku helaan adeegyo maaliyadeed oo ay ka mid tahay in loo fududeeyo qaadashada daymaha si loo xoojiyo maalgashiga iyo shaqo abuurka dhalinyarada dalka.
Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi), isaga oo sheegay in Shirku yeelan doono qayb carwo ah oo hay’adaha maaliyadeed ku soo bandhigi doonaan adeegyada ay bulshada ka iibiyaan.

Guddoomiyaha Baanka dhexe  waxa uu intaa ku daray inay Shirkan ka soo qayb geli doonaan dhamaan Hay’adaha Maaliyadeed ee dalka oo ay ka mid yihiin hay’adaha dawlada, ganacsatada, khuburo aqoon u leh dhaqaalaha, Sharci-yaqaano, jaamacadaha iyo Hay’ado Caalami ah.


Ugu danbayn waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada iyo faa’idooyinka uu leeyahay shirkaasi,isagoo intaas raaciyey in lagu gorfayn doono sidii dadka reer Somaliland iyo Hay’adaha Maaliyadeed ee gaarka loo leeyahay la isugu xidhi lahaa iyadoo hal goob la isugu keeni doono dhamaan adeegyada ay bixiyaan hay’adahaasi.

 

Category