Shirkii wadatashiga Soomaalida oo dib u dhacay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho, waxaa maanta dib u dhacay shirka wadatashiga doorashooyinka Soomaaliya oo u dhexeeya madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada.

Madaxda maamul goballeedyada oo la filayay in ay soo dhameestirmaan ayaa weli qaar soo gaarin magaalada Muqdisho.

Maanta ayey ahayd in madaxda shanta maamul goballeed, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo raysal wasaaraha xukuumadda ay kulmaan, balse ma dhicin.

Xafiiska ra'iisal wasaaraha ayaa toddobaadkii horre sheegay in madaxda ay kulmi doonaan Sabtida maanta ah, si looga arrinsado halka ay wax marayaan.

Madaxda illaa hadda soo gaaray Muqdisho,waxa ka mid ah madaxweynayaasha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo madaxweynaha Puntland, weli waxaa maqan madaxweynayaasha HirShabeelle iyo Galmudug.

Marka berri ayaa la filayaa in shirka uu si rasmi ah u furmo maadama weli madaxda qaar ay maqan tahay.

Sidoo kale, maanta dalka waa fasax oo waxaa loo dabbaal dagayaa sannad guurada 61 aad ee xorriyadda.

Shirkan waxaa looga hadli doonaa maadama waqtiga lagu ballamay doorashada in lagu qabto 60 cisho gaar doorashda xildhibannada golaha shacabka iyo kuwa aqalka sare ayna ka harsan tahay 29 cish maadama 31 maalin ay dhammaatay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category