Shir u dhexeeya beesha calaamka iyo madaxda maamullada oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (RH)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir ku yeeshay wakiilada beesha caalamka iyo shanta madaxweyne ee maamul goballeedyada.

Shirka ayaa la sheegay in looga hadlay khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo sidii heshiis ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goballeedyada uga gaari lahaayeen khilaafka doorashada.

Madaxda Soomaalida ayaa illaa hadda xal ka gaarin heshiiskii ay gaareen sannadkii horre ee ku aadanaa nooca doorasho ee dalka ka dhacaya.

Kulamada ka socda Muqdisho

 

Xubnaha beesha caalamka

Dhinaca kale, Inta la xaqiijiyay afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay qarax lala eegtay gaari uu lee yahay xoghayaha degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob suuq ah oo ay dadku ku badan yihiin.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa la arkayay dad dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo yaalla goobta uu qaraxa ka dhacay.

Qaraxa oo kuwa hareeraha wadada la galiyo ee meelaha fog fog laga haghago ayaa waxaa ka badbaaday xogyaha degmada Deyniili.


Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category