Sawirro: Raysal Wasaare Rooble oo ka qeybgalay shirka wasiirada Jubbaland

Muqdisho (RH)-Ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha wasiiradiisa ayaa maanta oo Khamiis ah ka qeybgalay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland.

Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada XFS ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya socdaalkiisa Jubbaland ayaa  diiradda lagu saaray wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale shirka guddoominayay.

Ra'iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo ee xarrunta gobalka Jubbada Hoose, halkaasoo lagu wado in ay uga sii gudbaan magaalada Garbahaareey oo la filayo in ay kula kulmaan siyaasiyiinta iyo bulshada magaaladaas.

Ra'iisal wasaare Rooble waa markii ugu horreysay oo uu tego Kismayao tan iyo markii xilka ra'iisal wasaaraha loo magacaabay dabayaaqadii sannadkii horre.

Raysal wasaaraha oo ka qeybgalaya shirka wasiirada JubbalandRaysal wasaaraha oo ka qeybgalaya shirka wasiirada JubbalandRaysal wasaaraha oo ka qeybgalaya shirka wasiirada Jubbaland

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category