Rooble oo u ambabaxay Imaaraadka Carabta

Muqdisho (RH)-Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, waxanaa wafdiga ra'iisal wasaaraha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda xukuumadda.

Safarka ra'iisal wasaaraha Soomaaliya uu ku aaday dalka Imaaraadka ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro siddii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, sida suu sheegay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Ma cadda inta maalin ee ra'iisal wasaaraha uu joogi doono Imaaraadka iyo cidda uu halkaas kula kulmi doono.

Laakin waxaa sheegis mudan in ra'iisal wasaare Rooble uu horaantii bishan ka raali galiyay dowladda Imaaraadka dhacdadii garoonka diyaaradaha Muqidsho sannadkii 2018-kii looga wareegay lacag gaareysa 9.6 milyan oo dollar, waxaana uu sheegay in lacagtaas si shuruud la'aan lagu wareejin doono.

Ra'iisal wasaaraha ayaa isla xilligan dowladda Imaaradka ka guddoomay mucaawino loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ka taagan gobollada dalka.

Sidoo kale, safarka ra'iisal wasaaraha ayaa waxa kale oo uu ku soo aadaya iyadoo dalka ay ka socoto doorashada xildhibaannada baarlamaanka.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category