Raysal wasaaraha magacaaban oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulamo la qaatay guddoonka labada aqal ee baarlamaanka.

Xamza ayaa hoygiisa ku booqday guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe.

“Kulanka oo ahaa salaan iyo is barasho ku aaddan magaabista Ra’iisul wasaaraha, ayaa Guddoomiye Sh.Aadan Madoobe ka guddoomay salaanta, waxaana uu sheegay in dedaal dheer loogu baahan yahay in dalkan laga samata-bixiyo marxaladaha kala duwan ee dalka ka jira sida Abaaraha, ka dib marka uu helo codka Kalsoonida Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe oo lagu faah faahiyey kulankaasi.

Xamsa ayaa sidoo kale kulan kale la yeeshay guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi.

Raysal wasaaraha magacaaban oo kulamo ka bilaabay Muqdisho

labada Aqal ee baarlamaanka ayaa lagu wadaa in maalamaha soo socdo ay ka doodaan ansixinta raysal wasaaraha magacaaban ka hor inta uusan soo dhisin golihiisa wasiirada.

Xigasho: BBC

Category