Rayal wasaare Rooble oo la hadlay baarlamaanka federaalka

Muqdisho (RH)-Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Arbaca ah waxa uu khudbad u jeediyay xildhibaannada golaha shacabka federaalka Soomaaliya.

Raysal wasaaraha ayaa xildhibaannada uga warbixiyay wax yaabaha u qabsoomay 100kii maalin ee xafiiska uu joogay.

Raysal wasaaraha ayaa sidoo kale soo dhaweeyay dedaalada lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada iyo shirka uu ku baaqay madaxweynaha ee ka dhacaya Garowe, iyadoo muddo xilleedka madaxweynaha iyo dowladda ee afarta sanno dhammaaday.

Kulanka maanta oo shir guddoominayay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa fadhiyay 164 xildhibaan oo ka tirsan golaha shacabka.

Ugu horreyn, guddoomiyaha baarlamaanka ayaa ra'iisal wasaaraha weydiistay inuusan ka hadlin arrimo doorasho oo kaliya uu ka hadlo wax yaabaha u qabsoomay 100 kii maalin ee xafiiska uu joogay

Dad badan ayaa waxa ay filayeen in laga hadlo arrimaha doorashada, laakin arrintaas ma dhicin.

Xildhibaannada kulanka joogayRaysal wasaare Rooble iyo ku xigeenkiisaGuddoonka baarlamaanka

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category