Qorshe Magaaleedka Cusub Ee Caasimadda Hargeysa Oo la Daah-furey

Hargeysa(RH):-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa si rasmi ah u daah-furay xog ururinta qorshe magaaleedka cusub ee Caasimadda  Somaliland ee Hargaysa, kaas oo ay fulinayso Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Somaliland.

Munaasibadan si heer sar ah loosoo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici),xubno ka tirsan golaha Wasiiradda,xildhibaano,Maayerka caasimadda Cabdirakiin Axmed Mooge,xubno ka tirsan golaha deegaanka caasimadda iyo marti sharaf kale oo lagu soo casuumay,

Maayerka Caasimada Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge oo hadal ka jeediyay munaasibada lagu soo bandhigayay xog uruurinta qorshe magaaleedka Caasimadda hargeysa ayaa sheegay in ka dawlad hoose ahaan ay codsadeen in loo sameeyo Master Plan, waxa uu u mahadceliyey guddida nashqadaynta qaranka iyo wasaarada hawlaha guud oo uu sheegay in ay codsigaasi ka aqbaleen.

 

Maayer Cabdikariim ayaa sheegay in magaalada Hargeysa ahayd magaalo ku fiday qorshe la’aan, taasoo keentay inay qaloocsanto, waxaanu ku hambalyeyay Guddida Qaran ee Nashqadeynta aqbalaada codsigooda.

Wuxuu sheegay in illaa markii ay xilka qabteen dedaal ugu jireen sidii qorshaha magaalada loo toosin lahaa, una heli lahayn hannaan nashqadeyn casri ah.waxaanu iftiimiyay in ay doonayaan in ay saxaan qorshe magaaleedka caasimadda oo qaloocsamay

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa sheegay in qorshe Magaaleedka Caasimadda Hargeysa ee la daah furay  in lagu shaqayn doono muddo  15 sano ah hadii allah idmo.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa sheegay  in Muwaadiniin u dhashay Somaliland ay fulinayaan qorshe Magaaleedka Caasimadda Hargeysa.

Cabdilaahi Abokor oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Ujeedada kulankeenu waxa weeyaan  in aynu billaabayno  qorshe Magaaleedka Caasimadda Hargeysa,kaas oo noqon doona 15 sano ee soo socda oo ay ansixiyeen gudida heer qaran ee nashqadaynta qaranka.annaga oo raacayna ayaanu qorshahan fulinaynaa,”.

waxaanu   tilmaamay in qorshe Magaaleedka Caasimadda ay ku jiraan sida loo isticmaalayo dhulka.Waxaanu yidhi”Qorshaha aynu samaynayno kow waxa ka noqon doona  isticmaalka dhulka oo loo qaybin doono 14 qaybood,maanta waxa aynu nahay Umad dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaan madaxbanaan dhaqaalaha ku baxaya hawshan aynu qorshaynayno waa cashuurtii Somaliland laga ururiyay Farsamoyaqaanada hawshaa fulinayaa waa Muwaadiniin Somaliland u dhashay runtii aad ayaan ugu faraxsanahay Umadna horumar ma samaynkarto ilaa Umadii Horumarto.”

 Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliand Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici) ayaa ka waramay sida ay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ay ugu baahan tahay qorshe magaaleed cusub oo ka dhigaya caasimad la tartanta caasimadaha adduunka.

Waxaanu intaa raaciyay in ay ka Xukuumad ahaan garabtaagan yihiin in caasimadda Qaranku ay noqoto mid horumarsan isla markaana ay taageersan yihiin nashqada cusub ee la soo bandhigay.

Waxaa kale oo uu iftiimiyay in  dalalka adduunku u kala horumarsan yihiin sida ay magaalooyinkooda u kala hagaajiyaan.waxaanu yidhi.“Wadammadu waxay u kala horumarsan yihiin sida magaalooyinkoodu u kala naqshad wanaagsan yihiin.”ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka  Somaliand 

 

 

Category