Qaraxyo ka dhacay dalka Imaaraadka Carabta

ABU DHABI (RH)-Inta la ogyahay saddex qof ayaa dhintay dhowr kale waa ay ku dhaawacmeen kadib markii labo qarax ay maanta ka dhacayn maqaayado ku yaalla caasimadda dalka isku tega imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi, booliska iyo warbaahinta maxaliga ayaa sidaas ku warramaya.

Sawirro la soo dhigay baraha bulshada iyo warbaahinta maxalliga ayaa waxaa ka muuqda burbur soo gaaray maqaayadaha ay qaraxyada ka dhaceyn.

Goobta ay qaraxyada ka dhaceyn waa waddo caan ah oo la yiraahdo Rashiid Bin Saciid, waxaa kale oo loo yaqaana wadadda garoonka diyaaradaha tegta, halkaaso maanta ay ka soo dageen saraakiil sar sare oo ka tirsan xafiiska madaxweyne Donald Trump iyo ra'iisal wasaaraha Israeli, Benjamin Netanyahu.

Duulimaadkii ugu horreeyay ee ganacsi oo Israel ka soo duula ayaa maanta ka degay Abuu Dubay, waana markii ugu horreysay taarikhda iyadoo dhawaan Imaaraadka ay xiriir diblomaasi la yeelatay Israel.

Waa dalkii ugu horreeyay ee Khaliijka ku yaalla ee xiriir la sameesta Israel waana dalkii saddexaad ee carbeed ee xiriir diblomaasi la yeesha Israel.

Heshiiska Israel iyo Imaaraadka waxaa gadaal ka riixayay Maraykanka oo hadda raba in waddamo kale oo carbeed ay dhabbahaas qaadaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category