Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo Muqdisho ka dhacay

MUQDISHO : Ugu yaraan hal qof oo carruur ah ayaa dhintay, 11 kalena way dhaawacmeen kadib qarax ka dhacay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa miino lala beegsaday gaariga guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo weerarkan inuu dhacay u xaqiijiyey Idaacadda VOA Somali.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ku jiraan carruur.

Qaraxan ayaa sidoo kale guddoomiye ku xigeenku sheegay inuu waxyeello weyn gaarsiiyey dad shacab ah oo la socday baabuur kuwa dadweynaha ah.

Guddoomiye ku xigeenka oo aan la socon baabuurka markii uu qaraxu dhacay ayaa waxaa kale oo uu xaqiijiyey in qaar ka mid ah ilaaladiisa ay weerarka ku dhaawacmeen.

xigasho VOA

Category