NISA oo sheegtay inuu isku soo dhiibay 'la-taliyihii hoggaamiyiii hore ee Al-shabaab Axmed Godane

Hay'adda NISA ee Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegtay inuu isu soo dhiibay Cabdiraxmaan Macalin Axmed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab, sida ay qortay warbaahinta dowladdu.

NISA ayaa intaas ku dartay in 16-kii sano ee lasoo dhaafay uu Cabdiraxmaan Macalin Axmed uu soo noqday la taliyihii hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Godane, kaas oo bishii 1-dii September 2014 lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha laheyd ee Mareyku ka fuliyeen xeebta Baraawe.

Cabdiraxmaan Macalin Axmed balse Al-shabaab dhexdooda looga yaqaano, Abuu-Saacid ama Shariif ayay NISA sheegtay in sidoo kale uu xilal kale kasoo qabtay Al-shabaab, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen "qaaddiga Maxkamad Gobolka Banaadir, qaadiga guud Al-Shabaab, madaxii Zakawaadka Gobolka Sh/Hoose iyo kuxigeenka madaxii guud ee Zakawadka Al-Shabaab."

Warbaahinta dowladda iyo ha'adda NISA midkoodna ma sheegin halka uu iska soo dhiibay Cabdiraxmaan Macalin Axmed.

xigasho : VOA

Category