Muxuu Xasan Sheekh ka doonay Masar?

Muqdisho (RH)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Masar, waxaana la filayaa inuu la kulmo madaxweyne Cabdifataax Al Sisi.

Ilo ka tirsan xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in madaxweynaha uu madaxda Masar kala hadli doono iskaashiga dhaqaale iyo dibulmaasiyadda iyo howlgallada ka dhanka ah Shabaab.

Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu booqasho ku tagey dalal ay kamid yihiin Imaaraadka, Turkiya, Eritrea, Kenya iyo Jabuuti.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category