Muuse Biixi oo qirey in uu la hadlay Farmaajo iyo Rooble

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ugu dhowaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qirey in uu qadka taleefoonka kula hadlay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble kadib masiibadii suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Muuse ayaa u mahadceliyay labadan mas’uul oo siyaabo kala duwan uga hadlay masiibada suuqa Waaheen.

Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu Somaliland u fasaxay lacag 11 milyan doolar ka badan oo la sheegay in ay ku xayirneyd qasnadda dowladda federaalka, taas oo markii hore loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland.

Waa mararka dhifta ah ee mas'uuliyiinta ay si shaac ah u sheegaan xiriir dhex maray, iyada oo inta badan madaxda Somaliland ay fagaarayaasha ka dhaleeceeyaan kuwa federaalka Soomaaliya.

Category