Muqdisho: Shirka madaxda Soomaaliya oo maalinta labaad galay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maalintii labaad ka socda shir u dhexeeya raysal wasaaraha Soomaaliya, Duqa magaalada Muqdisho iyo madaxda maamul goballeedyada.

Shirka oo ka socda xaruntii horre ee ciidamada cirka Afisyooni ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa looga hadlayaa arrimaha doorashooyinka iyo sidii loo dardarin lahaa qabsiimida doorash la isla oggolyahay, sida uu sheegay afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu.

Dhinaca kale, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo horrey u sheegay inuu shirka ka qeybgaleynin ayaa aaladda fogaan aragga uga qeybgalay, waxaana la filayaa in uu maanta Muqdisho ku soo laanto si uu uga mid noqdo madaxda ku shiraya Afisyooni.

Shirka waxaa ka qeybgalaya raysal wasaaraha xukuumadda, afar ka mid ah madaxda kale ee maamul goballeedyada, iyo duqa Muqdisho.

Arrimaha looga hadlayo shirka waxaa ka mid ah siddii guddiyada doorashada ay u billabi lahayeen tababarada doorashada iyo in madaxda maamul goballeedyada ay soo dhammeestiraan guddiga loo sameenayo gobalka Gedo.

Guddigan ayaa la sheegay in ay ahaan doonaan heer wasiir iyo xubno ka socda xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, si doorasho la isla oggol yahay loo qabto.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo waqtiga loo ballamay in doorasho lagu qabto ay ka harsan yihiin wax ka yer.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, ayaa horrey u sheegay in doorashada lagu qaban doono muddo lixdan cisho.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category