Muqdisho oo ay ka socoto dhaarinta xildhibaannada cusub ee baarlamaanka 11-aad

Muqdisho (RH)— Magaalada Muqdisho waxaa iminka ka socota xafladda dhaarinta xildhibaannada cuusb ee baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Xafladda ayaa ka socota hangarka ciidamadii cirka ee Afisyooni, halkaas oo illaa saaka ay ku qulqulayeen xildhibaannada cusub ee dhawaan lagu soo doortay deegannadooda.

Ammaanka goobta xafladda ay ka socoto ayaa aad loo adkeeyay, sidoo kale waxaa la xiray wadooyinka soo gala garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo wadooyin kale oo ku yaalla caasimadda.

Sidda laga soo xigtay masuuliyiinta ku howlan xafladda, waxaa la filayaa in maanta la dhaariyo inka badan 200 oo mudane oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, kuwaas oo maalimihii lasoo dhaafay qaatay shahadada xildhibaanimada.

Ra'isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale filayaa inuu goob-joog ka noqdo xafladda dhaarta.

Guddiga doorashada ayaa dhinaca wada bixinta shahaadada xildhibaannimo, iyada oo maanta ay qaateen xildhibaanno horleh.

Wixii war ah ee kusoo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category