Mid ka mid ah cayaartoydii kubadda kolayga Soomaaliya oo geeriyooday

Dubai (RH)-Dalka isku taga imaaraadka Carabta waxaa manata ku geeriyooday macallinkii horre ee xulka qaranka kubadda kolayga Soomaaliya Cumar Cabdiqaadir Baarajab.

Marxuumka ayaa la sheegay in uu u dhintay xanuunka COVID 19, sida ay eheladiisa u sheegeen saxaafadda.

Baarajab ayaa ahaa cayaartooy caan ku ah kubadda kolayga Soomaaliya, isla markaana laf dhabar u ahaa kooxda Qaranka ee Kubadda koleyga.

Waxa uu dhowr jeer xulka qaranka kubadda kolayga u sameeyay dhiirigalin si guulo ay uga keenaan cayaaraha dibadda.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category