Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo Wax Dambi Ah ku Weyday Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Mudo ku xidhnaa Hargeysa

Hargeysa(RH)Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta wax dambi ah ku weyday  Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ka mida ah Hawl-buurada Somaliland isla markaana mudo 42 Cisho ah ku xidhnaa Jeelka weyn ee magaalada Hargeysa.

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex waxay ku dhawaaqday in ay Abwaan Cabdiraxmaan Abees ku weday  dhamaan eedihii iyo Dambiyadii ay Xeer ilaalintu ku soo  oogtey

 

Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex waxay sheegtay inay Xoriyadiisii u celisay Cabdiraxmaan Abees,Balse Xukunka Maxkamada waxaa racfaan ka qaatay Xeer ilaalinta Somaliland oo iyadu Dacwada soo oogtey

Category