Maxkamada Deg. Hargeysa Oo Soo Bandhigtay 1,038 Dacwadood Oo Ay Ka Garnaqeen Sanadkii 2018 kii

Hargeysa(RH)Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa, Md. Cabdirashiid Beergeel ayaa shaaca ka qaaday in dacwadaha Ciqaabta ee Maxkamada soo galay Sanndkii dhamaaday ee 2018 oo gaadhayeen 1,038 dacwadood, dhamaantoodna dhamaadeen.

Gudoomiye Cabdirashiid oo maanta kulan ku qabtay Xafiiskiisa uu kaga waramayey waxqabadkii Maxkamada Degmada Hargeysa ee sannadkii dhamaaday ayaa hadalkiisa ku bilaabay:

“Dacwadaha Maxkamada Degmada Hargeysa sannadkii dhamaaday ee 2018 soo galay waxay ahaayeen Kun iyo Sideed iyo Soddon (1,038) dacwadood oo Ciqaab ah.

Gudoomiyaha Maxkamada Deg Hargeysa Md Crashiid oo faahfaahin ka bixinayey tafaasiisha dacwadahaa inta dhamaatay iyo inta weli garnaqeedu socdo ayaa yidhi,

“Waxa dhamaaday 1037) dacwadood, waxa keliya oo socda hal dacwad oo imika garsoore garnaqeeda gacanta ku hayo. Dacwadahaa ayaa u kala qeybsamayey: dacwadaha Diin-Caayga ee maxkamada soo galay waxay ahaayeen 115 Ciqaab ah dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha Waalid-caasiga waxa soo galay 160 dacwadood oo Ciqaab ah, waxa dhamaaday 159 dacwadood, waxa hadhay halka dacwad oo ah ta imika dhegeysigeeda lagu jiro.

Gudoomiye Cabdirashiid oo sii faahfaahinayey dacwadaha Maxkamada Deg Hargeysa soo gaadhay ee ay ka garnaqday noocyada ay kala ahaayeen ayaa yidhi,

“Dacwada loo yaqaan Sarkhada waxay gaadhayeen 155 Ciqaab ah, dhamaantoodna way dhamaadeen. Dhaawaca fudud waxa soo galay 255 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dhaawacyadaa oo kala ahaa kuwo gacanta lagu geystay ama kuwo gawaadhi geysteen, ama shil baabuur ku yimi.

“Dacwadaha Fara-saarka bulshada dhexdeeda wax aka dhacay, ee dacwadahooda Maxkamada Deg qaaday sannadkii dhamaaday waxay ahaayeen 24 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha loo yaqaano Cayda Laf-jabka ah, waxa soo galay 37 dacwadood Maxkamada Deg, dhamaantood way dhamaadeen.

Gudoomiyaha Maxkamada Deg Hargeysa oo weli tafaasiil ka bixinayey noocayada ay kala yihiin dacwadihii soo gaadhay sannadkii hore ayaa raaciyey,

“Dacwadaha loo yaqaano Tahdiida, ama bulshadu isku hanjabtay waxa dacwadahoodu na soo gaadheen 68 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha loo yaqaano Khasaaraha, ama mid gacanta laga geystay ama mid Gaadhi, waxay tiradoodu ahaayeen 105 dacwadood, dhamaantood Maxkamada Deg way ka garnaqday. Dacwadaha Tahriibta ama tahriibayaasha dadkii inna dhexsocday ee wadamadda jaarka ka yimi, 3 kiis ayaa dacwadahooda maxkamada soo galeen, dhamaantood way dhamaadeen.

“Dacwadaha ka dhasha ku gefida Xeerka nabadgelyada Wadooyinka waxa soo galay 71 dacwadood, dhamaantoodba waanu ka garqaadnay, waanay dhamaadeen, go’aana way ka gaadhay Maxkamadu. Dacwadaha loo yaqaano Shiidka, ama laba xaafadood Jaar ah oo is-shiiday, ama Gacan-ka-hadal dhexmaray, waxa soo galay 9 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha loo yaqaan Tuugo Qosy waxa soo galay saddex dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha Anshax-xumada oo la soo qabtay dhalinyaro Gidaar wada fadhiya, ama gaadhi ku wada jira oo sidaa Booliisku gacantooda ku soo qabteen dadkaa oo maxrim kala ah waxa soo galay 8 kiis, ayaa soo galay Maxkamada, dhamaan sideedaa kiis go’aan ayaa laga gaadhay, waanay dhamaadeen.” Ayuu yidhi Gudoomiyaha Maxkamada Deg Hargeysa Md Cabdirashiid Beergeel, isagoo raaciyey.

“Dacwadaha ka dhasha Dayacaada Qoyska waxa soo gaadhay Maxkamada 5 dacwadood, dhamaantood go’aamo ayey ka gaadhay Maxkamadu. Dacwadaha loo yaqaan Laba Guurka hal dacwad ayaa soo gaadhay Maxkamada, dacwadaana way dhamaatay, maxkamaduna go’aan ayey ka gaadhay. Dacwadaha iska-gelid Gurri sharci-daro ah ama Gurri aan kiisii ahayn oo qofku galay waxa soo gaadhay 4 dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen. Dacwadaha la xidhiidha Ilaalinta Duur-jooga & Keymaha, waxa soo gaadhay 7 dacwadood, dhamaantood way dhamadeen.

Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Md Cabdirashiid Beergeel ayaa gebagebadii warbixin sannadeedkiisa ku sheegay guud ahaan dacwadihii soo gaadhay maxkamada sannadkii hore, waxaanu yidhi,

“Dacwadihii soo gaadhay sannadkii hore Maxmakada Deg Hargeysa Kun iyo Sideed & Soddon dacwadood, dhamaantood way dhamaadeen, dacwad keliya oo socota mooyee, waxa kaloo dacwadahan ka mid ahaa kuwo ku dhamaaday heshiisiin ama dacwad ka noqosho.

Warbixinta Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Hargeysa Md Cabdirashiid Beergeel ayaa muujinaysa dedaalka isaga & Hawlwadeenadiisu u mareen gudashada waajibaadkii ay bulshada JSL u hayeen, waana talaabo mudan dhiirigelin ay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Prof Adan X Cali & Guddida Caddaaladdu kaga falceliyaan, isla markaana noqda miqyaas ay kula xisaabtamaan gudashada waajibaadkooda dhamaan masuuliyiinta Bahda Garsoorka.

 

Category