Maxey Jubaland ka tidhi kaqeybgalka shirka kadhici doona Dhuusamareeb?

Wasiirka warfaafinta ee JL Cabdi Xuseen Sheekh ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay soo dhoweynayaan qabashada shirkaasi, islamarkaana ay ka qeyb-galeyso dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waan soo dhoweyneynaa shirkan maamulka Jubalandna waa ka qeybgalayaa.” ayuu yiri Wasiirku.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan guddiyada ay soo magacaabeen maamullada Jubbaland iyo Puntland & diidmada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya mid lagu doonayo muddo kororsi, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalkan ayaa ku soo beegmay xilli uu shalay  wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya caawiyaa culeys kusaareen MD Farmaajo in uu mawqifkiisa waxkabadalo  taas oo uu isla xalayba ku baaqay shirweyne ay markale isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada, si looga arrinsado doorashada la isku maandhaafsanaa ee dhawaan la filayo in ay dalka kadhacdo.

Category