Maxay maamul goboleedyada u joojiyeen wadashaqentii wasaaradda maaliyadda dowladda dhexe?

Garowe (RH)-Wasaaradaha Maaliyadaha ee shanta dowlad goboleed ee xubnaha ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xiriirka u jaray Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda dhexe ee Soomaaliya,

Warqad ay ku wada saxiixan yihiin wasiirrada maaliyadda ee shanta dowlad goboleed, ee kala ah Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koonfur-galbeed iyo Hir-shabeelle ayaa lagu faafiyay baraha bulshada.

Warqaddaas waxaa lagu sheegay in laga billaabo 30-ka August, 2022, ay joojiyeen wadashaqeyntii kala dhaxeysay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, taasoo ay ku eedeeyeen baal-marista heshiisyo hore.

Xiggasho: BBC

Category