Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo Danjiraha cusub ee dowlasdda Ingiriiska ay dhawaan us oo magacowday Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King,
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.
Ra'iisul Wasaaraha, ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha la xaqiijiyey ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan cidda hoggaamineysa, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socodaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.
Dhankiisa, Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya iyo horumarrada laga gaaray amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.
Radio Hormuud
Studio 3
Mogadishu Somalia