Maxay isku heystaan fannaaniinta iyo culimada Hargeysa?

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaalada Hargeysa ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland, ka taagneyd cabasho ku saabsan maqaayad lagu caweeyo oo uu ka socday bandhig-faneed, taas oo sida la sheegay lagu dul furay sameecado waaweyn.

Bandhiggaas waxaa qabsanayay fannaanadda Kiin Jaamac Yare iyo fannaaniin kale oo Hargeysa ku sugan.

Milkiilaha maqaayadda Jumeira Leyla Muuse Muxumed (Leyla Jumeira) oo maalintii ay arrintaas dhacday warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in hoolka lagu qabto bandhig-faneedyada ee maqaayaddana ay ku xiran yihiin qalab saamaxaya in codku uusan dibadda u bixin.

Waxay sheegtay in dhacdadaas ay arrimo ganacsi la xiriirto, oo uu jiro qof soo abaabulayay deriska oo u sheegayay inay ka cawdaan maqaayaddeeda.

"Waxaan la kulmayay hanjabaad dil, caay, aflagaaddo iyo in hantideyda la burburiyo. Waxaan la socdsiiyay laamaha ammaanka oo meel iga mariyay," ayay tiri.

Booliiska Hargeysa ayaa la sheegay in ay markii dambe soo xireen nin lagu eedeeyay inuu falkaas ka dambeeyay, inkastoo sida ay wararku sheegayaan markii dambe la soo daayay.

Arrintan waxaa cabasho ka muujiyay qaar ka mid ah fannaaniinta Somaliland oo sheegay in taasi ay gef ku tahay fannaaniinta.

Fannaaniintaas waxaa ka mid ah Nimca Maxamed Cabdi (Nimca Deggan) oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee bandhig-faneed laga hor istaago Kiin Jaamac.

"Waxay bandhig aan ka duwaneyn kan lagu qabto Hargeysa ee ay ku qabaneysay maqaayadda Jumeyra, waxaa dhacday in masjid meesha ka dhow uu sameecado ku soo jeediyo," ayay tiri Nimca Deggan.

Nimca ayaa intaas ku dartay in dastuurka Somaliland uusan hor istaageyn fanka, isla markaana uu siinayo xuquuq iyo tixgelin.

"Waxaa jira waxyaabo badan oo Culimada ay u adeegsan karaan xumaan reebista, sida inay wax ka qabtaan da'yarta waddooyinka xabagta ku cabaya ee mustaqbalkii dalka ah, iyagaana u baahan in xumaan laga reebo, waayo waa dad yaryar oo u baahan in wax laga qabto," ayay intaas ku dartay.

Dhanka kale, Sheekh Muuse Jaamac oo ah madaxa Guddiga Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista ee Somaliland oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in haddii ay fannanaiinta sameynayaan wax shareecada Islaamka ka soo horjeeda aan loo oggolaaneynin, laakiin haddii ay sameynayaan wax wanaagsan oo ay diinta oggoshahay lagu taageerayo.

"Annagu waxaan u aragnaa wixii diinta ka soo horjeeda in la iska daayo oo ciddii ka xumaatana ay sax tahay, wixii wanaag ahna la isku garab siiyo. Waa waxaan ka shaqeynaba," ayuu yiri Sheekh Muuse.

Sheekha ayaa sheegay in mar walba oo bandhigyo faneed lagu qabanayo Hargeysa ay culimada ka hadlaan oo laga hortago, balse uu farqi u dhaxeeyo in qofka uusan iclaamin bandhigga uu qabanayo iyo inuu iclaamiyo kuna faafiyo baraha bulshada.

"Qofka iska heesaya oo guri isaga jira oo aan cidba ogeyn, iyo qof iclaamiyay oo bulshada lacag ka qaadanaya, farqiga u dhaxeeya waa in qofka iclaamiyay uu bulshada ugu yeerayo wax diinta khilaafsan, wuuna ka fasahaad badan yahay qofka si iskiis ah isaga wata," Ayuu yiri Sheekh Muuse.

xigasho BBC

Category