Maxaa looga hadlay shirka dowladda federaalka iyo beesha caalamka uga furmay Muqdisho?

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shir u dhexeeya beesha caalamka iyo dowladda federaalka, wax yaabaha looga hadlayo waxaa ka mid doorashada muranka badan uu ka taagan yahay ee la filayo in ay dalka ka dhacdo billowga sannadka na soo aadan iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

Shirka oo ka furmay saaka xeendaabka sida weyn loo ilaaliyo ee Xalane oo ku dhex taalla garoonka diyaaradaha Muqdisho waa markii labaad oo Muqdisho lagu qabto.

Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shirka furay, waxaana uu sheegay in xafiiskiisa uu u furan yahay cid kasta oo tabasho ka qabto hannaanka doorashada u socoto isagoo sheegay in ay ka shaqeyn doonaan siddii doorashada ugu dhici lahayd hab la isku raacsan yahay.Raysal wasaare Rooble

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay in uu dhawaan u safrayo magaalooyinka Garowe, Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Kismaayo halkaasoo uu kula kulmi doono madaxda ka arrimisa sida Puntlan iyo Jubbaland.

Raysal wasaaraha ayaa ku wargaliyay musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha in uu soo dhaweenayo aragtidooda laakin ay ogaadaan in ay qaataan waxa ay ku heshiiyaan madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada.

Qaar ka mid ah madaxda maamul goballeedyada oo shirka uga qeybgalay aaladda fogaan aragga ayaa ka ha hadlay arrimo xasaasi ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in uu jiro khilaaf cusub oo u dhexeeya madaxda dowladda iyo maamulkiisa gaar ahaan gobalka Gedo oo dowladda ay geesay ciidamo.

Madaxda shirka qeybgalaysa

Waxa uu sheegay in doorashada gobalka Gedo ay uga dhici karto marka dowladda federaalka ciidamadeeda ay kala baxdo gobalka Gedo maamulka doorashadana ay ku wareejiso maamulkiisa.

Hadalkaas waxaa teegay madaxweynaha Puntland oo dowladda federaalka ugu baaqay in ciidamada ka jooga gobalka Gedo ay ka soo saarto.

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo isna shirka uga qeybgalay aaladda foggaan aragga ayaa taageeray dedaaladda dowladda ay wado ee ku aada in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Sidoo kale, waxaa shirka ka hadlay danjiraha QM u qaabilsan Soomaaliya, danjirayaasha waddamada Ethiopia, Ingiriiska, Midowga Afrika iyo diblomaasiyiin kale.

Shirkan ayaa maanta galinka dambe soo gabagaboobi doona.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category