Mashruuc Biyo Gelin ah Oo laga Dhagax-dhigay Degmadda Dhahar

Dhahar(RH)Wasiirku Xigeenka wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland  Sahal Maxamed Jaamac oo ku sugan Gobolka Badhan ayaa dhagax dhigay Mashruuca Biyo gelinta Degmadda Dhahar ee Gobolka Badhan.

Mashruucan Waxaa fulinaysa Xukuumadda Somaliland kadib markii ay ka Jawaabtay dalab uga yimid Bulsho weynta ku dhaqan Degmadda Dhahar.

Maayarka Magaaladda Dhahar iyo Odayaasha deegaankaasi ayaa soo dhaweeyay Mashruucan biyo gelinta Magaaladda Dhahar waxayna sheegeen inay ku rajo weyn yihiin dhamaystirka Mashruucan oo kaalin mugleh ka qaadanaya horumarinta kaabayaasha arrimaha Bulshadda ee degmadda dhahar.

Wasiirku Xigeenka wasaaradda Horumarinta Jiddadka iyo Gaadiidka Somaliland Mudane Sahal Maxamed Jaamac oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Magaaladda Dhahar oo Lix KM oo isku weer ah ku fadhida ay baahi u qabtay hirgalinta Ceel biyoodkan uu dhagax dhigay waxa uu xusay inay Magaaladdu hada leedahay dhawr ceel laakiinse aanay ku filnayn baahida bulshada ee dhanka biyaha Waxaanu intaas ku daray in Xukuumadda Somaliland culays xoogan saarayso sidii ay Magaaladda Dhahari u heli lahayd biyo ku filan oo ummada ka dhexeeya.

 

Category