Mahdi Guuleed oo loo doortay xildhibaankii ugu horreeyey ee golaha shacabka

Muqdisho (RH)- Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta ku guuleystay kursiga ugu horreeya ee xildhibaannada golaha shacabka, kadib doorasho ka dhacday dugsiga tababarka ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Mahdi Guuleed ayaa ku guuleystay codad gaaraya 97 cod waxaana uu ka adkaaday gabar magaceeda la yiraado Marwo Mushtaaq Ibraahim Yuusuf oo heshay saddex cod oo kaliya,

Waxaana xumaaday hal cod, sida uu sheegay guddiga doorashada.

Sidoo kale, waxaa la doortay Biixi Iiman Cige oo loo doortay xildhibaankii labaad ee golaha shacabka waxaana uu helay codad gaaraya 91 cod, halka musharax uu ka guuleystay ee Cabdiraxmaan Ismaacil uu isna helay 9 Cod
waxaana ciladoobay hal cod.

Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi Axmed Safiina ayaa sheegay in labada kursi ay u codeyn doonaan 101 Ergo oo la soo xulay, kuwaas oo shalay tababar la xiriira doorashada lagu siiyay Magaalada Muqdisho.

Todobaadyada la soo socda ayaa waxaa la filayaa in Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada kuraasta Gobolada Waqooyi & kuwa Banaadiriga si Maamulada kale ee dalka kajira ay iyana doorashada ay u bilaabaan.

Halka lagu qabanayo doorashada golaha shacabka Soomaaliya

Ammaanka goobta ay doorashada ka dhaceyso oo ah dugsiga tababarka ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Janeraal Kaahiye ayaa aad loo adkeeyey, waxaana la geeyey goobta ciidan gaar ah oo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Doorashadan ayaa dhacaysa iyadoo shaley labo habraac oo cusub ay ka kala soo baxeen xafiisyada guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi iyo Ra'iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuled, sidoo kale waxaa doorashada dood galiyay guddiga khilaafaadka doorashada Soomaaliya.

 

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category