Magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe oo maanta lagu doortay 12 xildhibaan

Muqdisho (RH)-Magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe ayaa maanta oo Arbaco ah lagu qabtey doorashooyinka xildhibaannada golaha shacabka, waxaana  lagu doortey min lix xubnood labada magaalo.

Xubnaha Muqdisho lagu doortey waxaa ka mid ah Seynab Maxamed Caamir oo ku jirtay baarlamaanka Soomaaliya illaa iyo shirkii Carta ee 2000.

Sidoo kale, waxaa soo baxay Maxamed Cali Xagaa oo hadda ah wasiiru dowlaha wasaaradda gaashaandhigga wuxuna horrey ahaa xildhibaan.

Cadnaan Cismaan Cilmi (Boqore) oo ku rsigaan uu ka geeriyooday Aabbihiis Cismaan Cilmi ( Boqore) oo Muqdisho lagu dilay iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo isna ka mid noqday baarlamaanka 11-aad.

Magaalada Garowe xildhibaannada lagu doortay waxaa ka mid ahaa Maxamed Faarax Nuux oo shaley koox hubeysan ay ku rasaaseeyeen magaaladaas.

Waxaa soo gaaray dhaawacyo fudud.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa hadda ku socda qaab xowli, waxaana ka dhacayaan magaalooyin badan sida Muqdisho, Jowhar, Kismaayo, Baydhabo iyo Garowe.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia
 

Category