Magaalada Muqdisho waddo xirneedn 10 sanno oo dib loo furay

Muqdisho (RH)-Magaalada Muqdisho waxaa dib loo furay waddo xirneen muddo ka badan 10 sanno, taasoo u xirneen arrimo amni.

Wadadda dib loo furay ayaa ah mid ka billaabatay KM4 illaa iyo isgosyka Tarabuunka.

In dib loo furo waddadan ayaa amray raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana uu sheegay in dib loo furi doono dhammaan wadooyinka weli xiran ee ku yaalla caasimadda.

Waddada maanta dib loo furay, ayaa waxaa ku taallay safaaradda Qadar ee Soomaaliya, waxaana hadda safaaradda dhul laga siiyay xerada Xalane ee sida weyn loo ilaaliyo.

Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay dib u furista waddadan, waxaana ay dowladda ka codsadeen in ay ka dhabeeyaan dib u furidda wadooyinka caasimadda kuwaasoo dhowr sanno xirnaa.

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobalka Banaadir ayaa xaley kormeen ku tegay waddada dib loo furay.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

 

Category