Madaxweyne Xasan oo la kulmay xoghayaha arrimaha dibedda iyo wasiirka gaashandhigga Maraykanka.

Washington (RH)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Washington kula kulmay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin oo ka qeyb galaya shir madaxeedka Mareykanka iyo Afrika oo uu martigelinayo Madaxweyne Joe Biden.

Kulankan oo dhacay Talaadadi shaleyi, waxaa sidoo kale qaybgaleen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxweynaha Niger Maxamed Bazoum, waxaana diiradda lagu saaray xasilloonida gobolka iyo isku xirka gargaarka bini'aadantinimo.

Madaxda ayaa ku nuux-nuux saday saameynta ay argagixisadu ku leedahay horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyagoo dhanka kale bogaadiyay guulaha la taaban karo ee ciidamada Soomaaliya ka gaareen xoreynta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay saameynta ba’an ee ay abaaruhu ku yeesheen nolosha dadka Soomaaliyeed iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bogaadiyay qorshayaasha wadajirka ah ee ku saleysan iskaashiga cimilada, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso ilaalinta deegaanka iyo la qabsiga isbedelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah 49 hoggaamiye oo ka socda qaaradda Afrika oo la kulmaya madaxweynaha dalka Maraykanka, waxaana kulankan oo socon doona seddax cisho looga hadli doonaa xoojinta xiriirka Maraykanka uu la lee yahay qaaradda Afrika, iyadoo saameynta Shiinaha uu ku lee yahay qaaradda ay muuqayto xilligan.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category