Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Oo la Kulmay Masuuliyiin ka socday Hay’adaha Fair Fishing Iyo Transfigure Foundation

Hargeysa(RH)Madaxweyne Ku-Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta Xarunta madaxtooyada ku qaabiley Madax ka socotay Laba Hay’adood Oo Kala Ah Fair Fishing Iyo Transfigure Foundation oo ka shaqeeya horumarinta Kalluumaysiga.

Kulankan Madaxweyne ku xigeenku la qaatay labadaa hay’adood ayey ujeedkiisu ahayd sidii loo dardar gelin lahaa loona diyaarin lahaa qabsoomida Carwada Kalluumaysiga Somaliland ee Sanadkiiba mar lagu qabto dalka, laguna soo bandhigo wax-soo saarka Kalluunka, oo ay ka wada shaqeeyaan hay’adda Fair Fishing iyo wasaaradda Xannaanada xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga.

Dhinaca kale hay’adda Transfigure Foundation oo iyagu ah hay’ad ku cusub dalka una timid sidii ay u indho-indhayn lahayd wax soo saarka kalluumaysiga ayey madaxweyne ku xigeenka ka wada hadleen sidii ay xog dheeraada uga heli lahaayeen waxa soo saarka dalka ee dhinaca kalluunka, iyagoo danaynaya inay dalka soo degaan kana hawl-galaan, markay u kuur galaan arrimahaasi.

Ugu danbayntiina waxa uu madaxweyne ku xigeenku labada hay’adood ku dhiirigeliyey inay xooga saaraan sidii ay u horumarin lahaayeen kalluumaysatada iyo wax soo saarka khayraadka badaha.

 

Category