Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Dubai Shir kula Yeeshay Ganacsato Doonaya Inay Maalgashadaan Somaliland

Dubai(RH)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu wehelinaayo wakiilka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta, Amb. Muniir Cabdillaahi Abusite ayaa waxaa uu  Magaalada Dubai shir kula yeeshay ganacsato waa-weyn oo u dhalatey Imaaraadka Carabta oo danaynaya inay maalgashadaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Shirkan ayaa U jeedadiisu daaranayd sidii ay qayb uga noqon lahayaeen horumarka balaadhan ee ka socda Dalka Somaliland gaar ahaan dhinaca maalgelinta iyo horumairnta dhaqaalaha .

 

Waxaanay ganacsatadaasi u soo bandhigeen madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland inay danaynayaan inay maalgelin ku sameeyaan dhinaca Beeraha, Dalxiiska, wershadaha iyo inay ka sameeyaan gudaha dalka Hotello waa weyn oo casri ah, madaama ay Somaliland noqotay meel maanta caalamku isha ku hayo oo uu danaynayo una tartamayaan ganacsatada waa weyn iyo dawladdaha aduunku.

 Madaxwayne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmana Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ganacsatada uga mahadnaqay sida ay u danaynayaan Dalka Somaliland inay maalgelin ku sameeyaan ayaa ugu horayn ku marti-qaaday ganacsatadaasi inay dalka yimaadaan oo ay soo indho indheeyaan horumarka iyo dedaalada maalgelineed ee ka jira dalka Jmahuuriyadda Somaliland, soona arkaan xeebaha dalka gaar ahaan Marsada Berbera oo iyadu wakhtigan hoggaanka u haysa horumarka ka socda dalka, lehna garoon diyaaradeed oo hadda uun farta laga qaaday ahna ka Afrika ugu weyn wakhtigan, loona isticmaali karo nooc kasta oo diyaarado ah Afrika inteeda kalena looga faa’iidayn karo dhinaca ganacsiga.

 

Gebegabadii kulankaasi waxa uu ku soo dhamaaday isfahan iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara ganacsatadaa caalamiga ah iyo Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Category