Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Oo Daahfuray Shirka Qaran Ee Ka Faa’iideysiga Biyaha Roobka.

Hargeysa(RH):-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta daahfuray shirka qaran ee ka faa’iidaysgiga biyaha roobka.

 

Shirkaas waxa soo qaban-qaabisay wasaaradda horumarinta biyaha Somalinad, waxaana ka soo qayb galay mas’uuliyiin xukuumadda ka socday, wasiirka wasaaradda biyaha, agaasihaga guud ee wasaaraddaasi iyo daneeyeyaasha arrimaha biyaha Somaliland.

 

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay agaasiamha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Maxamed Xasan Dirir, oo sheegay in hal ku dhiga shirkaas ee sannadkan uu yahay Gacmahaaga Biyo kaga Dharag, wuxuuna bulshada ka codsaday in ay ka faa’iidaystaan biyaha roobka, kuwaas oo uu tilmaamay in sidii loo baahnaa aanay bulshadu uga faa’iideysan isla markaana ku darsama biyaha badda.

 

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, xildhibaan Xasan Shahar iyo xubno ka socday Jaamacada Hargeysa, oo dhamaantood halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey barnaamijka lagu hakinayo biyaha roobka ee ku qulqula Badda.

 

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo sheegay in barnaamijkaas laga fulin doono guud ahaan gobollada dallka, wuxuuna xusay in wasaaraddu ku guulaysatay in ay xarunta wasaaradda ka hirgeliso Barkad weyn oo ay ku kaydiso biyaha Majaroorada ee wasaaradda, isaga oo intaas raaciyey in ay goobo badan oo dalka ah ay ka wadaan biyo xidheeno lagu qabanayo biyaha roobka.

 

Gebogebadii waxa shirkaas soo afmeeray madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo mas’uuliyiinta wasaaradda horumarinta biyaha ku bogaadiyey dedaalka ay ugu jiraan horumarinta biyaha dalka guud ahaan, gaar ahaan barnaamijka Gacmahaaga biyo kaga dharag ee ay wasaaraddu ka hirgelinayso gobollada dalka.

 

Waxa kale, oo uu madaxweyne ku xigeenku sheegay in ay ka xukuumad ahaan u qorsheysan tahay sidii dalka looga hirgelin lahaa dhaaamam waaweyn oo lagu kaydiyo biyaha roobka, isla markaana ay wasaaradda biyaha ka taageerayaan wax kasta oo ay dalka kaga hirgelinayaan in bulshadu hesho biyo ku filan.

Category