Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb galaya shir ka dhacaya Jabuuti

Muqdisho (RH)-Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uu kaga qeyb geli doono Shir deg-deg ah oo waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ay kaga arrinsanayaan xaaladda Gobolka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in diblumaasiyiinta Soomaalida ay Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa kulan doceedyo la qaadan doona Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah IGAD sida ay sheegtay Filla Soomaaliya.

Safarkan ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, Ergayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed Danjire Yuusuf Garaad Cumar.

Safarkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay dhawaan dowladda Soomaaliya warqad cabasho ah oo ka dhan ah Kenya u gudbisay Ra'iisul Wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk, ahna Guddoomiyaha Urur Goboleedka IGAD.

Soomaaliya ayaa dhawaan Kenya ku eedeysay inay faragelin ku hayso arrimaha Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa u yeeratay safiirkeeda Kenya, halka safiirka Kenya ee Soomaaliyana lagu war galiyey inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Xiggasho: BBC

Category