Madaxweyne Erdogan oo si kulul uga hadlay heshiiska Imaaraatka iyo Israa'iil

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Teyib Erdogan ayaa ka hadlay heshiiska taariikhiga ahaa ee ay gaareen dalalka Imaaraatka Carabta iyo Isra'iil.

Madaxweyne Erdogan oo khudbad ka jeediyay telefishenka ayaa sheegay in dalkiisa ay dhici karto in uu xiriirka u jaro Imaaraatka, waxaana sababta uu ku sheegay xiriirka ay la yeelaneyso Isra'iil.

"Tallabaad la xiriirta arrinta Falastiin, ma ahan mid inaga dageyso, waxaa laga yaabaa in aan qaadno tallaabo aan meesha uga saareyno xiriirka diblomaasiyadeed ee naga la dhaxeeya Abu Dhabi, waxaana dhici karta in aan u yeerano safiirka halkaa inoo fadhiya," ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

Erdogan ayaa intaa sii raaciyay "waxaan garab taaganahay shacabka Falastiin, waligeenna ma oggolaanin in Falastiin la burburiyo."

Israa'iil iyo dalka imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis si dib loogu soo celiyo xiriirka labada dhinac. Israa'iil ayaa waxay aqbashay inay joojiso qorsheeda ay isku sii ballaarinayso qeybo ka mid ah daanta galbeed.

Bayaan la yaab lahaa ayaa waxaa uu madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump, oo hsehiiskan gar-wadeen ka ahaa ayaa waxay dalalka heshiiska ku tilmaameen "mid taariikhi ah" iyo guul nabadeed. Isra'iil ayaa wixii imika ka horeeyay aan wax xiriir ah la lahayn dalalka Carbeed ee gacanka.

Balse waxay Israa'iil iyo dalalkan wadaagaan walaaca ay ka qabaan Iiraan taasi oo sababtay in ay yeeshaan xiriir aan rasmi ahayn.

Hogaamiyayaasha Falastiiniyiinta ayaa la sheegay inay tallaabadani ay la yaab ku noqotay .

Afhayeen u hadlay madaxwaynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbas ayaa heshiiskan ku tilmaamay " khiyaano qaran ", islamarkana waxaa dib loogu yeeray safiirkii Falastiin u fadhiyay Imaaraadka.

Madaxwayne Trump ayaa heshiiskan u dhaxeeya rai'sul wasaare Netanyahu iyo boqorka Imaaraadka Mohammed Al Nahyan ku tilmaamay"waqti taariikhi ah ".

Waa heshiiskii saddexaad ee ay gaaraan israa'iil iyo Carabta tan iyo intii sanaddii1948, lagu dhawaaqay madaxbanaanida Israa'iil .

Maxaa lagu heshiiyay?

Toddobaadyada soo socda ayaa waxaa kulan yeelan doona ergooyiin ka kala socda Imaaraadka iyo Israa'iil si loo saxiixo heshiisyo laba geesood ah.

Heshiisyadan ayaa ah kuwa la xiriira maalgashiga,dalxiiska,duulimaadyo toos ah, ammaanka,isgaarsiinta, tiknoolajiyada,tamarta,caafimaadka,dhaqanka iyo deegaanka.

Waxaa sidoo kale ka mid ah in labada dhinac ay is waydaarsadaan safiiro.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa sheegay aqoonsiga ay Imaaraadak aqonsadeen Israa'iil inay ahayd "tallaabo geesinnimo leh ".

Sida looga falceliyay?

Rai'sul wasaaraha UK Boris Johnson ayaa soo dhaweeyay waxaa uuna sheegay in ay tahay tallaabo loo qaaday dhanka nabadda bariga dhexe.

Madaxwaynaha Masar cabdul Fattah al-Sisi ayaa dhankiisa soo dhaweeyay heshiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda Urdun uu sheegay in heshiiskan uu gacan ka geysan doono in wadahadaladii istaagay al sii wado.

 

xigasho .BBC

Category