Madaxweyne Cagjar: "DDSI maanta laguma dhibaateeyo shacabka"

Jigjiga (RH)-Madaxweynaha dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cagjar ayaa xisbsiyada siyaasadda deeganka ka jira ugu baaqay in ay hogaansamaana shuruucda iyo qawaaniinta doorashada si dowlad deeganka uga qabsoonto doorasho nabadoon.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in doorashada deeganka ka dhaceysa ay qabsoomi karto marka lawada ilaaliyo amniga guud ee deeganka arrintaas oo cid kasta ay xil ka saaran yahay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in saddex sanno ka hor deeganka Soomaalida dhanka xuquuqda aadanaha Itoobiya oo dhan uu ugu liitay, balse maanta aan lagu dhibaateyn shacabka uu tusaale u yahay dalka Itoobiya intiisa kale.

"Saddex sanno ka hor deegankeenna iyo guud ahaan dalka Itoobiya oo dhan waxaa ka jiray gobool falo xaqa xuquuqda aadanaha oo si caalami ah xitaa loo hadal hayay, xuquuq kasta oo la saaro waxa uu ahaa midka ugu liita gaar ahaan Amnesty.

Dhinaca kale, guddiga doorashooyinka qaranka Itoobiya, ayaa shaaciyay doorashadii ka dhici lahayd deegannada Soomaaalida iyo gobolka Harari iyo afti laga qaaday gobolka Koonfurta in dib loo dhigay muddo seddax toddobaad, maadama horrey loogu balamay in la qabto doorashada 30-ka bisha September.

Guddiga oo shaley saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in arrintan go'aansadeen kadib markii kulamo ay la yeesheen xisbiyada siyaasadda ee ku tartamaya goobihii doorashadii bishii June aaney ka dhicin, sababo la xiriira xagga ammaanaa.

Agaasinka geedisocodka xafiiska doorashada iyo arrimaha xisbiyada ee dowlad deegana Soomaalida,Suldaan Xasan Cali ayaa sheegay in sababo badan loo sabeeyay in dib loo dhigo doorashada, isagoo xusay in ay ugu weyn tahay arrinta cabashada xisbiyada.

Waxa uu sheegay in baaritaan ay sameeyeen taasoo lagu xaqiyay in ay jiraan cabashooyin ay qabaan xisbiyada mucaaradka.

"Muddo saddex todobaad ayaa dib loo dhigayaa kadibna diiwanagalinta doorashada ayaa bilaabaneysa"ayuu yiri Sudaan Xasan.

Radio Hormuud
Studio 3
Nairobi Kenya

Category