Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya oo ku kulmay Jabuuti

Djibouti (RH)-Hotelka Kempinski ee ku yaalla caasimadda dalka Jabuuti, waxaa maanta duhurkii ka furmay shir aan caadi ahayn oo ay lee yihiin madaxda waddamada IGAD.

Shirka ka sakow waxaa jiray shirar gaar ah oo ay lee yihiin madaxda ka qeybgalaysa sida kulan ay yeesheen madaxweynayaasha Soomaaliya, Kenya, Jabuuti iyo raysal wasaarhaa Itoobiya.

Kulamadan ayaa la sheegay in looga hadlay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhex taagan waddamada Soomaaliya iyo Kenya.

Sidoo kale, shirka waxaa ka qeybgalaya ra'iisal wasaaraha Suudaan, Cabdalla Xamduuq oo ah madaxa IGAD.

Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Soomaaliya

Shirka ayaa inta uu socdo looga hadli doonaa sidii talaalka COVID 19 ee dhawaan la soo saaray loo soo gaarsiin lahaa waddamada Geeska Afrika iyo in gargaar la siiyo qaxootiga Itoobiya ee ku barakacay Suudaan.

Waa markii ugu horreysay oo madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ay fool ka fool u kulmaan tan iyo markii xiriirka labada waddan uu xumaaday horaantii sannadkan.

Soomaaliya ayaa shaley Kenya ku eedeesay inay jabhado ka dhiseeso magaalada Mandheere ee ku taalla xuuduudda Soomaaliya.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Kenya

Ma cadda in shirka madaxda IGAD uga socda Jabuuti lagu xalllin doono khilaafka labada waddan ee dariska ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category