Madaxweynaha DG Puntland oo diidey dalab uga yimid RW Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu ku gacan seyray dalab kaga yimid Ra’isulwasaare Rooble oo ahaa inuu magacaabo guddiga doorashada ee maamulkaas.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Rooble ayaa madaxweynaha Puntland ka codsaday inuu soo magacaabo xubnaha Guddiga doorashada Puntland isla markaasna uu fuliyo heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka 17 Bishii September ee sanadkaan.

Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo noo xaqiijiyeen  Saciid Deni ayaa diiday dalabkaas oo ahaa in marka hore uu magacaabo guddiga kadibna la isugu yimaado shir wada tashi ah oo kama danbays ah oo lagu turxaan bixinayo heshiiskii laga gaaray Doorashada Soomaaliya 17kii September.

Ra’isulwasaare Rooble ayaa madaxwyenaha Puntland ku cadaadinayey inuu guddigaas soo magacaabo si ay u suurta gasho doorasho ka dhacda Soomaaliya ka hor 8-da February 2021.

Waxaa kaloo la sheegayaa in xubno ka mid ah Beesha caalamka ay cadaadis ku saarayaan Madaxweyne Saciid Deni inuu tanaasul sameeyo isla markaasna soo magacaabo xubnaha Gudiga Doorashada Puntland.

Waxaa la filayaa in labada dhinac ay mar kale yeeshaan kulamo lagu xalinayo ismari waaga ka taagan soo magacaabista guddiga doorashada  Puntland.

Category