Madaxda Puntland iyo Jubbaland oo soo gaartay Muqdisho

Muqdisho (RH)-Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay duqa Muqdisho Cumar Filish.

Diyaargarowga wafdiga labada madaxweyna ayaa maalmahan ka socday magaalada Muqdisho, waxaa horrey magaalada u soo gaaray wafuud hor dhac u ahaa imaatinkooda.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana dadka magaalada Muqdisho ay soo saaka ku soo tooseen wadooyinka qaar oo xiran, waxaa wadooyinka ku yaraa gaadidka taasna baddelkeedana dadka ayaa lugeenayay

Duqa Muqdisho oo soo dhaweenaya madaxweynaha Jubbaland

Labada madaxweyne ayaa la socday labo diyaarad oo ka kala yimid Kismaayo iyo Garowe ayaa la filayaa in kulamo looga hadlayo doorashooyinka ay la yeeshaan madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category